Qarax khasaare badan dhaliyeey oo ka dhacay Lubnaan

HomeWararka

Qarax khasaare badan dhaliyeey oo ka dhacay Lubnaan

Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut sidda Warbaahinta iyo dowladda dalkaasi ay xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Kharashaadka ku baxaya doorashadda dalka ka dhacaysa oo la shaaciyeey
Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut sidda Warbaahinta iyo dowladda dalkaasi ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekeda magaalada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay ka yihiin qarax labaad. Ma cadda waxa sababay.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ee NNA iyo laba ilo wareed oo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay aagga dekeda halkaas oo ay ku yaalaan bakhaarada waxyaabaha qarxa.

“Waxaan arkay qiiq ka baxaya Beirut. Dadku waxay qaylinayeen war na caawiya, Waan dhiigbaxeynaa . Balakoonnada ayaa laga daadiyay dhismayaasha. Muraayadaha dhismayaasha dhaadheer leh ayaa dumay oo ku dhacay wadada” ayuu yiri goobjooge.

Idaacadda LBC ee maxalliga ah ayaa soo xigatay wasiirka caafimaadka isagoo leh “tiro aad baa dhaawac ah.

Qaraxan ayaa ilaa hadda la xaqijinin khasaaraha dhimasho iyo midka dhawaac ee ka dhashay,waxaana xiligan oo habeen ah socda gurmadka loo fidinayo dadka ku dhawacmay qaraxaas.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: