Qarax Kadhacay Gobolka Jimma ee Wadanka Itoobiya

HomeWararka

Qarax Kadhacay Gobolka Jimma ee Wadanka Itoobiya

Wararka ka imaanaya magaalada Jimma gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare geestay oo lala eegtay ciid

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika
Wararkii ugu dambeyey ee kisaaska COVID-19
BURTINLE: KAAMAMKA BARAKACAYAASHA OO LOO QEYBIYAY AGAB NADAAFADEED (daawo)

Wararka ka imaanaya magaalada Jimma gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare geestay oo lala eegtay ciidamo katirsan Dowlada Itoobiya.

Qarax oo ahaa mid gacanta laga tuuray ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka dalka Itoobiya, waxaana ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 13-qof oo qaarkood dhawacyo kala duwan qabaan.

Gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa waxaa dib uga bilowday dibad baxyo rabshada wata ay dhigayaan dadka Oromada ah kuwaa oo kasoo horjeeda lacagaha canshuuraha oo lagu kordhiyay ganacsiyada yar yar.

Waxaa sidoo kale banaan baxyada looga soo horjeedaa xir xirtaan loo geestay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Qowmiyada Oromiya, waxaana magaalooyinka qaar la xiray goobaha ganacsi waxaa sidoo kale istaagay gaadiidka dadweynaha.

Dalka Itoobiya waxaa sanadkii hore ka dhacay banaan baxyo ay dhigayeen qowmiyadaha Oroamada iyo Amhaarada, waxaana dibad baxyadaasi keentay in dowlada ay xaalad deg deg ah dalkaasi galiso mudo bilooyin ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: