Qaramada Midoobay oo cambaaraysay Madaafiicdii lagu soo tuuray garoonka Aadan Cade

HomeWararka

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay Madaafiicdii lagu soo tuuray garoonka Aadan Cade

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo

Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya
Dowladda oo Maxkamad soo taagtay Mas,uul lagu soo eedeeyay musuq maasuq (dhegayso )

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan.

“Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: