HomeUncategorized

Qaaradda Africa oo markii ugu horeysey yeelatay hal baasaboor.

Kigali, July, 18 2016--Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa waxaa kasocda shir madaxeedka 27aad ee midowga Africa kaasoo looga hadlayo xaaladda wadanka Koonfurta Suudaan, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.

10 qof ayaa ku dhimatay 13 kalena waa dhaawac weerar lagu qaaday gaari rakaab siday oo ku sii jeeday Jarriiban.
DHEGEYSO-Abaartii ugu xumayd oo ka taagan deegaanka Xalin ee gobolka Sool.
Baahin: Axad, Jul 17, Weriye C/fitaax M. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ku saabsan hawlaha guddiga gurmadka abaaraha ee dawlada federaalka; wasiirka caafimaadka ayaan ka waraysanay; Somalida Minnesota oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha; Safiya Yaasiin ayaan ka waraysanay; Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka oo dhaliilay afhayeenka baarlamaanka; Dib u dhac ku yimid magacaabida xukuumada R/wasaare Gaas; afhayeenka wasaarada warfaafinta ayaan ka waraysanay.

Kigali, July, 18 2016–Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa waxaa kasocda shir madaxeedka 27aad ee midowga Africa kaasoo looga hadlayo xaaladda wadanka Koonfurta Suudaan, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.

Madaxda Afrika ayaa isku raacay baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaasoo la siin doono dadka oo dhan kaddib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Baasaboorkan oo ah mid ay maamuleyso hay’adda Midawga Afrika ayaa lagu bilaabay madaxweynaha dalka Chat oo sidoo kale ah madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka martigelinaya shirka ee Rwanda, Paul Kagame.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lafilayaa in madaxda qaaraddu ay doortaan gudiyada gaarka ah ee maamuli doona ururka ay ku midaysan yihiin dalalka Africa ee AU.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: