Puntland oo ka hadashay heshiis la sheegay inay maleeshiyada Maxamed Saciid Attam ay la galeen Al-Shabaab.

Garowe,26 -Dowladda Puntland ayaa ka hadashay war kasoo baxay ururka Al-Shabaab oo lagu sheegay inay midoobeen kooxda ciidamada Puntland kula dagaalantay buuralayda Galgala iyo kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay kooxaha ciidamada Puntland kula dagaalamay buuralayda Golis ee Galgala inay horay uga mid ahaayeen Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tilmaamay dowladda Puntland inay sii wadi doonto dagaalada ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee la midoobday ururka Al-Qaacidda.

Axmed Xuseen Yuusuf “Doonyaale” oo ah la taliyaha madaxwaynaha Puntland ee dhinaca amaanka ayaa isaguna u sheegay Radio Daljir,inaysan wax isbedal ah keeneyn midowga maleeshiyada Attam iyo kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamed Raage oo isaguna shir jaraid qabtay,ayaa waxaa uu soo dhoweeyay heshiiska ay la galeen kooxda uu hogaamiyo Maxamed Saciid Attam.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa wararka sheegaya dagaalada buuraha Golis ee Galgala ay dowladda Puntland kula jirto kooxaha halkaasi saldhiga ku leh inuu yahay mid beeleed.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0