Puntland oo joojisay in Canshuurta dekadda Bosaaso lagu qaado shiling Somaali

HomeWararka

Puntland oo joojisay in Canshuurta dekadda Bosaaso lagu qaado shiling Somaali

Kadib qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay maanta laga bilaabo in dowladu joojisay in canshuurta dekadda B

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdinaasir Jekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Ra’iisul Wasaarihii dalka Ciraaq oo iscasilay

Kadib qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay maanta laga bilaabo in dowladu joojisay in canshuurta dekadda Bosaaso ka soo xaroota lagu qaado shiling Somaali.

Qoraalka Puntland ka soo baxo Hoos kaga bogo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Bangiga Dowladda Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: