Puntland oo dib u fasaxday ka ganacsiga iyo keenista Qaadka

HomeWararka

Puntland oo dib u fasaxday ka ganacsiga iyo keenista Qaadka

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa caawa lagu sheegay in beri laga bilaabo ay Puntland fasaxday ka ganacsiga qaadka,maadama horey Puntland u mamnuucday

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Sidee looga ciiday Maanta Magaaladda Qardho? (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa caawa lagu sheegay in beri laga bilaabo ay Puntland fasaxday ka ganacsiga qaadka,maadama horey Puntland u mamnuucday ka ganacsiga iyo keenista maandooriyaha Qaadka,

Hoos ka akhriso Qoraalka oo bartiisa Facebook soo dhigay Afhayeenka Puntland Jaamac dabaraani

Laga bilaabo berito (18ka May 2020)waxaa la khafiifiyey go’aamadii Bandowga ee 27kii March 2020 kasoo baxay Guddiga Covid19 Puntland,sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland.

Dadka Qaadka kala iibsanaya iyo kuwa Ciida isu diyaarinaya, waxaa uu guddigu xasuusinayaa in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaad ee ku saabsan Covid-19, sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.

Gancsatada Qaadka waxaa lagu wargelinaya inay masuuliyad ka saarantahay illaalinta nadaafadda, in aan lagu horgadin qaadka xarumaha Dowladda iyo inay ku dhaqmaan talooyinka Caafimaad ee aan kor kusoo sheegay.

Diwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: