Orgi Garoowe 7 Ruux Ku Dhaawacay oo La Baarayo (Sawirro)

HomeWararka

Orgi Garoowe 7 Ruux Ku Dhaawacay oo La Baarayo (Sawirro)

Magaalada Garoowe waxaa weli lagu hayaan neef orgi ah oo saaka barqanimadii xaafadda Israac gaar ahaan Jidka 30-ka ku dhaawacay 7 ruux oo isugu jirey

Bishii Ramadaan oo la Arkay iyo Berri oo Soon ah
CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR: “Dalka firaaq Dastuuri ah ayuu ku jiraa” (daawo)
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada Xajka iyo Maktabadaha Soomaaliyeed

Magaalada Garoowe waxaa weli lagu hayaan neef orgi ah oo saaka barqanimadii xaafadda Israac gaar ahaan Jidka 30-ka ku dhaawacay 7 ruux oo isugu jirey haween iyo carruur kamid ahaa dadka xaafadda.

Orgigaani oo sida sawirrada hoose aad ku arkaysan ah mid kamid ah orgida magaala jooga ah ayaa waxaa ugu dambayntii lagu guulaystay in la qabto laguna wareejiyo ciidanka booliska ee laanta xaafaddaasi.

Qaar kamid ah dadka xaafadda ayaa rumaysan in orgiga maskaxdiisu aysan dhammayn oo wax la siiyey halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu yahay dad dil ay markii hore tababareen carruurta kunool xaafaddaasi, waxaana hadda lagu wadaa baaritaan.

SAWIRRO

COMMENTS

WORDPRESS: 7
DISQUS: