NUSOJ oo si weyn u xustay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta

HomeWararka

NUSOJ oo si weyn u xustay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabatay xaflad aad u heer sareyso taasoo lagu xusaayay maalinta caalamiga ah ee jooji

Eng Maxamed Axmed Ciise oo kamid ah qurbejoogta oo digniin u diray…
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Turkiga: “Saraakishi qorsheyeey falka Khashoggi lagu dilay annagaa maxkamadaynayna” (Daawo)

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabatay xaflad aad u heer sareyso taasoo lagu xusaayay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta. Munaasabadaan ayaa waxaa ururka NUSOJ ku gacan siiyay hay’adda QM ee UN Women iyo Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.

Xuska maalintaan oo halku dhig looga dhigay JOOJI DHIBAATEYNTA IYO CABSI GELINTA LOO GEYSTO SUXUFIYIINTA HAWEENKA AH ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaliya oo uu hor kacayay Wasiirka Wasaarada Cadaaladaee D owlada Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, hogaanka sare ee ururka NUSOJ iyo saxafiyiin kor u dhaafaya 50 qofood.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay isla xisaabtan iyo in cadaalada la hor geeyo ku dhibaatada u geysto siuxifiyiinta. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada ay qaaday tilaabooyin ay ku ciqaabeyso kuwa dhibaatada u geysta suxuyiinta sida dilka wariyaasha iyo ku xadgudbida wariyaasha. Avv Xasan Xuseen ayaa ku booriyay suxufiyiinta gaar gabdhaha suxufiyiinta inay dowlada marwaliba ku wargaliyaan cidii dhib ugaysata si sharciga loohorgeeyo oo loo ciqaabo, sidoo kalena ay soo gudbiyaan cidwalboo bulshada dhib ugeysata. Wasiirka ayaa ururka NUSOJ ku amaanay marwaliba sida ay saxafiyiinta Soomaaliyeed u garab taaganyihiin ayna ugu doodaan xaquuqdooda sidii ay uheli lahaayeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed ayaa asna suxufiyiinta Soomaaliyeed u diray fariin ah in maxkamaduhu ay diyaar u yihiin in ay marsiiyaan ciqaabta ay mudan yihiin kuwa dilka iyo dhibatada u geysta suxufiyiinta balse waxaa uu kula dardaarmay inay dastuurka dalka isku ilaaliyaan sidoo kalena aysan cidna ku xadgudbin kaliya xaqiiqda tabiyaan.

Gudoomiyaha Golaha Sare ururka NUSOJ Cawil Maxamuud Cabdi oo ugu horeyn munaasabda kahadlay ayaa ka warbixiyay in xaalada ay wariyaasha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan gaar ahaan dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha saxafiyiinta ah sidoo kale waxa uu codsi ujeediyay maamulada dalka ka jira isagoona ka codsaday inay saxaafada xoriyadeeda ilaaliyaan oo ay xariga iyo caburinta ka daayaan.

Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ururka NUSOJ oo isna munaasabada kahadlay ayaa sheegay in suxufiyiintu ay yihiin dheggihii iyo indhihii bulshada waxa uu sidoo kale hadalkiisa raaciyay in suxufiyiinta Soomaliyeed ay yihiin dhibanayaal si joogta ah loo beegsanayo ayagoo loo dhibaateynayo maxaa bulshada ugu gudbisaan xaqiiqada. Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in kuwa dhibaatada u geysta suxufiyiinta aan inta badan la ciqaabin, ayadoo aanba lasoo hadal qaadin tacadiyada ka dhanka ah gabdhaha suxufiyiinta ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuq Aadanaha Mudane Deeq Suleeman Yuusuf ayaa sheegay dhibaatada loo geysto gabdhaha suxufiyiinta ay tahay dhibaato ku saleysan jinsiga oo loogu talagalay in gabdhaha suxufiyiinta ah loogu geysto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdooda aas-aasiga ah, ayadoo uu walaac ka muujiyay ciqaab la’aanta kuwa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha wariyaasha ah u geysto gaboodfalo aan loo meel dayin.

Kulankan ayaa gunaanadkii laga soo saaray talo soo jeedino ku aadan sidii loola dagaalami lahaa dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa loo geysto gabdhaha suxufiyiinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: