HomeUncategorized

NUSOJ Oo guul ku sifeeyey sharciga saxaafada ee ay Ansixiyeen golaha wasiirada ee Soomaaliya

Muqdisho, July 12- 2013 - Ururka saxafiyiinta Soomaalida ee NUSOJ ayaa dariiq wanaagsan ku tilmaamay xeerkii saxaafada ee ay shalayto ansixiyeen golaha wasiirada xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
Wasiirka Amniga Puntland oo Laamaha Amniga Gobolka Mudug kala hadlay xoojinta Amniga Gaalkacyo
QM oo gargaar dhaqaale oo dhan $4.5 milyan ugu deegday dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Puntland.

Muqdisho, July 12- 2013 – Ururka saxafiyiinta Soomaalida ee NUSOJ ayaa dariiq wanaagsan ku tilmaamay xeerkii saxaafada ee ay shalayto ansixiyeen golaha wasiirada xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay muddo socotay doodda la xiriirta.

Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaalida Maxamed Ibraahim Bakistaan oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin ansixinta golaha wasiirada, wuxuu intaas ku daray in diyaarintiisa ay iska kaashadeen qeybaha saxaafada kala gedisan iyo wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya.

Bakistaan ayaa isagoo ka hadlay arinta Ansixinta wuxuu yiri ?Qeybta ?golaha wasiirada ay ansixiyeen wuxuu ahaa nuqul muddo ka shaqeyntiisu soo socotay oo bahda saxaafada iyo ururku ka wada shaqeynayeen, waxaana jiray kulamo badan oo wada tashiyo ah oo uu qabtay ururka Suxufiyiinta Wasaarada Warfaafintuna ay qabatay?

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta gudaha la hadlay, wuxuu sheegay in ay xeerkaan uu yahay mid ay ugu talo galeen warbaahinta gudaha iyo dadweynaha ay u shaqeeyaan intaba, isla markasana la hir gelin doono.

Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaalida wuxuu sheegay in qorista iyo diyaarinta xeerka saxaafada ay bilaabatay bishii Martch ee sanadkii 2007, wakhtigaasi oo lagu shiray Baydhabo iyadoo ay jirtay Dowlada KMG ahayd.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: