HomeUncategorized

NUSOJ oo deeq lacageed guddoonsiisay wariyaashii ku dhaawacmay ismiidaamintii guriga hooyooyinka Moqdisho.

Moqdisho, Oct, 06 - Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maantay deeq lacageed waxaa uu guddoonsiiyay wariyaashii ku dhaawacmay ismiidaamintii dhawaan ka dhacday guriga hooyooyinka ee Moqdisho.

Maamaulka cusub ee degmada Xarfo & Midkii hore oo maanta xilalkii la kala wareegay, mas?uuliyiin badanna ay ka qaybgaleen.
Sirdoonka reer Yurub oo cabsi ka qaba Al-Qacidada Afrika in ay weeraro geystaan xiliga Chirismaska
Madaxwayne Faroole oo jeediyay khudbad muhiim ah balse aanan taaban qaddiyado xasaasi ah oo laga filayay.

Moqdisho, Oct, 06 – Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maantay deeq lacageed waxaa uu guddoonsiiyay wariyaashii ku dhaawacmay ismiidaamintii dhawaan ka dhacday guriga hooyooyinka ee Moqdisho.

Deeq lacageed ayaa waxay ka timid ururka warbaahinta aduunka ee fadhigeedu yahay Qadar, kaasi oo lagu magacaabo (Dooxo Center), waxaana daladaasi ay lacagta soo marisay ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ)

Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo lacagta Gudoonsiiyay Wariyaasha ayaa waxaa uu sheegay in Lacagta ay gaareysay 4000. oo doolar,? waxaana uu intaas uu ku daray in lacagta ay maanta u qaybiyeen 3 wariye oo kala ah Cabdulaahi Maxamed Cali Suldaan,?? Maxamed Xuseen Jentelmaan,? wariye Guutaale oo ka tirsanaa TV S24 .

Qoondada lacagta ayaa loo dhigay habkaa.

Cabdulaahi Suldaan oo helay 2000. oo dolar

Jentel Maan oo helay 1000. dolar

Iyo Guutaale oo isna 1000. doalr la gaarsiiyay

Deeqadaan? lacageed ayaa kusoo beegmaysay xilli ay soo kordhayso waxyeelada had iyo goor lala bar-tilmaameedsanayo wariyaasha Soomaalida, su’aasha ugu badan ee hadda la iswaydiinayana tahay Maxaa loo dilaa wariyaasha?.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: