NUSOJ: “Iska diid xukunta ceebta ah ee Maxkamada Ciidanku ku riddey wariye madaxbannaan” (Warsaxaafadeed)

HomeWararka

NUSOJ: “Iska diid xukunta ceebta ah ee Maxkamada Ciidanku ku riddey wariye madaxbannaan” (Warsaxaafadeed)

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey Xukunka sadexda sano ee xariga ah oo Maxkamada ugu saraysa ee ciidamada Puntland k

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal: “Tilaabo dastuuri bay qaadeen baarlamaanka”
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey Xukunka sadexda sano ee xariga ah oo Maxkamada ugu saraysa ee ciidamada Puntland ku ridey Wariye Kilwe Aadan Faarax, wuxuuna ururku ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa loosiiyo Wariye Kilwe Aadan Faarax.

NUSOJ ayaa sheegtay in 17-kii March, maxkamad ay garwadeen ka ahaayeen saraakiisha Militariga iyo dacwad oogaha ciidamada lasoo taagey wariye Kilwe iyadoo aan loo ogolaan in Maxkamada ay yimaadaan Qareen Difacaa, xubnaha qoyskiisa & saaxibadiisa saxaafada.

Maxkamada militariga waxay ku xukuntay inuu galay dambiyo ay kusoo oogeen dacwad oogayaasha ciimada oo cuskanaya xeerka ciqaabadta waxaana wariye Kilwe Aadan lagu xukumay 3 sano oo xarig ah.
“Waxaan cambaareyneynaa xukunka adag, cadaalad darada, ceebta iyo waxa aan xukun lagu tilmaami karin ee Maxkamada ciidamadu ku ridey Wariye Kilwe Aadan Faarax, Xukunkan khaldan ayaa yimid iyadoo guud ahaan lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah ee Kilwe ee dhageysi cadaalad ah, wakiil sharci ama goobjoogayaal madax banaan,” ayuu yiri Xoghayaha guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan.

Ururka NUSOJ oo warsaxaafadeedkiisa siiwata ayaa sheegay in Kormeer & xog waraysi uu arinta Maxkmadaynta Kilwe Ururku ka sameeyey lagu ogaadey inay dhaceen khaladaad cadaladeed, kutagrifalka hawlaha maxkamada & adeegsiga maxkamadaha ciidamada si loo aamusiyo shacabka.
“Waxaan jeclaan lahayn inaan mar kale hoosta ka xariiqno in Wariye Kilwe uusan waxba galabsan iyo inuu yahay qof rayid ah oo ay tahay in kiiskiisa lagu qaado maxkamad rayid ah, hadii haba yaraatee ay jiraan eedeymo loo haysto. Waxaan ku adkeysaneeynaa in dambiga kaliya ee uu galay uu ahaa inuu gutey waajibaadka ka saaran dadweynaha iyo inuu shaqadiisa u qabsaday saxafi ahaan ”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka NUSOJ.

Mudada sedexda sano ah ee lagu xukumay Kilwe ayaa timid ka dib markii Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida uu racfaan ka qaatay xukunkii maxkamada darajada koowaad ee militariga taasoo ku xukuntay 3 bilood oo xabsi ah xitaa iyada oo la isku raacay inaysan jirin cadeymo adag oo lagu cadeyn eedaha maxkamadeynta.

Markii ugu horreysay ee la qabtay 27 Diseembar 2020, Kilwe waxaa lagu hayay meel qarsoodi ah laba toddobaad ka hor inta aan lagu soo oogin dacwad ka dhan ah oo loo cuskanayo qodobada ku xusan xeerka ciqaabta ee qodobka 230 ee xeerka ciqaabta oo ku saabsan kicinta dadweynaha, qodobka 231 oo dhigaya shirqool lagu sameeyo dambiyo siyaasadeed iyo 232 ee xeerka ciqaabta ee Soomaaliya.

Kadib bilooyin ay socdeen weeraro aan kala joogsi laheyn, dacwado aan sal iyo raad laheyn iyo cagajugleyn lagu hayey suxufiyiinta madaxa banaan, kiiska Kilwe wuxuu abuurayaa qaab kale oo qatar ah, iyadoo saxafi haysta shaqadiisa caadiga ah la geeyey maxkamad milatary.

“Dacwadahaan siyaasiga ah ee abaabulan waxaa si cad loogu talagalay in lagu kobciyo faafreebka isla markaana lagu qasbo saxafiyiinta in ay ka shakiyaan eray kasta oo dhaliil u leh maamulka Puntland ee hadda jira.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka NUSOJ.

NUSOJ ayaa sheegtay in mudadii lagu guda jiray dacwadaha maxkamada militariga, Kilwe uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan oo oo kadhan ah xuquuqda maxaabiista oo ay kamid tahay su’aalo waydiin iyadoo aan qareen la joogin, si xun loola dhaqmay, xabsi mudo dheer ah maxkamad la’aan, go’aamo la soo saaray iyada oo aan la helin sharaxaad ama sabab sharci, iyo weedho aan macquul ahayn.

NUSOJ ayaa aaminsan in Puntland u dejisay tusaale khatar ah xorriyada hadalka Soomaaliya, culeyska kiiska Kilwe wuxuu si qoto dheer su’aal u gelinayaa dimuqraadiyeynta Puntland maadaama aysan jiri doonin muuqaal dimoqraadi ah oo laga hadlayo xili suxufi kujiro xabsiga isagoo aan wax denbi ah gelin.
Labadii sano ee la soo dhaafey, Puntland waxay ku sii socotaa buurta magac xumada waxayna hada u muuqatey inay tahay Dowlada kaliya ee xubinta ka ah Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo caan ku ah dacwada wariyeyaasha ee maxkamadaha ciidamada. ayaa lagu yiri Warka NUSOJ.

“Waxaan mar kale ku celineynaa in eedeymaha loo haysto Kilwe ay yihiin kuwa aan sal iyo raad laheyn waxaana codsaneynaa in xukunka siyaasiga ku saleysan laga laabto isla markaana dib loo soo celiyo maqaamkiisa muwaadin xor ah” ayuu yiri Xoghayaha NUSOJ.

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: