HomeUncategorized

Nin xalay lagu dilay Garoowe xilli la isku diyaarinayay xuska 13 guurada Puntland

Caption ...

Saraakiil u hadashay dawlada federaalka ah ee Somaliya oo beeniyey in Kenya ay ciidamo qoris ka samaysay Gedo.
Qeybo kamid ah Ciidamadda Amisom ee Lageynaayo Gobolka Geddo
DHEGEYSO-Muwaadin wado muhiim ah kadhisaya gobolada Bari iyo Gardafuu.

Garoowe, July 31 – Waxa caawa magaalada Garowe lagu dilay nin dhallinyaro ah xilli aad loo adkeeyay ammaanka magaalada oo isku diyaarinaysay dabaal-daggii ballaarnaa ee saaka loo sameeyay xuska sannad-guurada 13-aad ee dhalashadii Puntland.

Habayaraatee ma ay jiraan wax faahfaahin ah oo ka soo baxaya dilkaas, mana jirto jiho illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda fal-dambiyeedkaas. Ciidamada ammaanka ayaan iyaguna illaa iyo haatan ka hadal dilkaas.

Si kastaba ha ahaatee ilo xog-ogaal ah oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa Daljir xalay u sheegay in ciidamada ammaanka ee Garoowe ay wadaan baaritaan aad u wayn oo lagu doonayo in la soo helo jihadii ka dambaysay fal-dambiyeedkan.

Si ka duwan magaalooyinka waawayn ee Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo Gaalkacyo, dilalka qorshaysan ayaa naadir amaba ma-jiraan ka ah caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe iyo guud ahaan gobolka Nugaal, marka laga reebo shilal la xiriira aanooyin qabiil.

Sannadkan 2011-ka ayaa siyaabo kala duwan waxaa Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo Gaalkacyo loogu dilay daraasiin dad ah, una badnaa nabaddoono, wax-garad iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo fulinta sharciga ee Puntland.

Diiwaanka Wararka,
Daljir, Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: