HomeUncategorized

Nabadoon Xarago oo Xoriyaddiisa Dib u Helay

Somalia, December 07, 2015-(Daljir)_ Afhayeenka Nabadoonada Gobalka Bari Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib markii shalay Ciidanka amaanka magaalada boosaaso ay saldhiga bartamaha magaalada boosaaso ou taxaabeen.

Baahin: Axad, Jul 31, Weriye C/fitaax G. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. 41 maxbuus oo cafis M/weyne lagu siidaayey; Weriye Faysal Boston oo isna la siidaayey; Tiro rag ah oo labisan dirayska ciidanka federaalka ah oo la qabtay; Col. Bariise ayaan ka waraysanay; Warbixin: qabanqaabada xuska 1-da Ogoosto – Buuhoodle, Buurtinle, Bossaso, Qardho, Galkacyo & Garowe.
Maalinta HIV/AIDS oo maanta laga xusay Puntland & munaasabad lagu qabtay Buuhoodle.
Barnaamijka Dhaliil & Dhiirigelin: Dood ku saabsan waxqabadka maamulka gobolka Cayn & kan Buuhoodle.

Somalia, December 07, 2015-(Daljir)_ Afhayeenka Nabadoonada Gobalka Bari Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib markii shalay Ciidanka amaanka magaalada boosaaso ay saldhiga bartamaha magaalada boosaaso ou taxaabeen.

Nabadoon xarago oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in siidayntiisa ay ka qayb-qaateen qaybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada boosaaso waxaana uu ku tilmaamay go,aanka lagu xiray mid ay maxkamadu ku degdegtay isagoo intaa ku daran in si wanaagsan loola dhaqmay intii uu saldhiga ku jiray.

Xariga Nabadoon xarago ayaa yimi ka dib markii maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Bari sheegtay inuu Aflagaado u geystay maxkamadda sare ee Puntland sidaasi darteedna amartay in lasoo xiro.

Nabadoon Cabdiqaadir ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Daljir ku difaacay nidaamkii lagu soo xulay xildhibaanada gollaha deegaanka Bosaso, wuxuna maxkamadda sare ku tilmaamey inay la mid tahay maxkamadda dambiyadda aduunka ee ICC.

Maxkamadda sare ayaa xukuntey in afar xubnood oo ku jiray gollaha deegaanka Bosaso laga reebo maadama ay maxkamaddu soo gaartey eedeyn ku aadan qaabka xildhibaanada lagu soo xulay iyo doorashadii sidey ku dhacdey.

By: Jaamac Abdurahman

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: