Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

HomeWararka

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dhalinyarada Ganacsatada ah ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu dilay dalkaas. Muwaadinka ayaa lagu dilay degmada M

Doorashada Ethiopia oo dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus
Guddoomiye Aadan Madoobe oo Warbixin laga siiyay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Burtinle (dhegayso)

Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dhalinyarada Ganacsatada ah ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu dilay dalkaas.

Muwaadinka ayaa lagu dilay degmada Matherwel oo hoostagta magaalada Port Elizabeth ee gobolka Westren Cape.

Dilka Ganacsadaha ayaa waxaa geystay koox Dharcad ah oo u dhashay dalka Koofur Afrika kuwaas oo doonayay in ay baaritaan ku sameeyaan Dukaanka uu Ganacsadaha la dilay ka shaqeeynayay balse rasaas ay isweydaarsadeen ganacsadaha la dilay iyo kooxda dharcadka ahayd iyadoo so doo kale uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah kooxda Dharcadka ahayd ee dalka Koofur Afrika.

Ciidamo laa tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray saacado kadib goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo goobta iyo nawaaxigeeda ka sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa doontay, mana jirto cid wax ka qabata dilalka loo geysto Dhalinyarada Soomaalieed eek u ganacsata dalkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: