Muuse Biixi oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Somaliland

HomeWararka

Muuse Biixi oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Soma

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Saraakil ka tirsan AMISOM oo gaaray Garbahaarey
SAHANKA DALJIR & DDS: GALLAADI ILLAA DHUDUB (Q8aad)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Kulankan madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto 13-March-2019-ka, waxaanu madaxweynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballan-qaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, madaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: