Muuse Biixi: “Dowladda Somalia  waa Cadawga Koobaad ee Somaliland”

HomeWararka

Muuse Biixi: “Dowladda Somalia waa Cadawga Koobaad ee Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yihiin Cadawgooda koobaad, isla markaana

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Puntland iyo Imaraadka oo heshiis ku kala saxiixday Boosaaso (daawo)
Musharaxiinta doorashada Puntland oo ka digay faragalin Siyaasadeed

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yihiin Cadawgooda koobaad, isla markaana dhibaato badan ku hayaan.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May ayaa sheegay in Caalamka dowlada kaliya ee kasoo horjeeda Qaranimada Somaliand ay tahay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“ Waa nasiib darro waa cadaawad aan meel loo dayin, Somaliland hadaan nahay waxaanu leenahay war anaga soomali iska dhaafee Adduunkoo dhan ayaan ka rabnaa in nabad lagu wada noolaado, balse Soomaali waxaa noo kala soocan danaheena ayuu yiri” Madaxweyne Muuse Biixi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: