Musharaxiinta oo iska diiday la kulanka Farmaajo

Musharaxiinta oo iska diiday  la kulanka Farmaajo

Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu isga baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Cali Guudlaawe & Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in marka hore ay caddeeyaan mowqifkooda la xiriira go’aanka Golaha Shacabka ee u codeynta Sharciga Jiheynta Doorashooyinka oo meesha ka saaraya rajada qabsoomidda Doorasho Dadban oo ka dhalatay heshiiskii 17-ka September 2020.

Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa jawaab laga sugayaa ilaa Isniinta berri ah 19-ka April 2021 haddii ay kasoo qorshaha ka yimid Villa Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka balse waayay taageero badan.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0