Muddo kordhin madaxweyne oo Puntland lagama maamiyo lama mahadin doono sidaan horay u baranay.

HomeWararka

Muddo kordhin madaxweyne oo Puntland lagama maamiyo lama mahadin doono sidaan horay u baranay.

Fadhigii maanta ee guddiga joogta ah ee golaha wakiillada Puntland markii ugu horraysay waxaa lagu soo hadalqaaday muddo kordhin loo sameeyo hay'adaha

Liiska Magacyada Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay (Akhriso)
Talibanta Pakistan oo ku dhawaaqay weeraro ka dhan xukuumadda Pakistan
Xildhibaano sheegay in Jawaari uu xoog ku qabsaday Xarunti Barlamaanka (dhegayso)

Fadhigii maanta ee guddiga joogta ah ee golaha wakiillada Puntland markii ugu horraysay waxaa lagu soo hadalqaaday muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha maamul ee Puntland iyo madaxda hoggaamisa oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni oo xilligiisii sharci ee xil-haynta ay ka dhimmantahay muddo dhawr bilood ah.

Inkasta oo guddiga joogtada ahi golaha baarlamaanka Puntland aysan si cad xogtaan ula wadaagin warbaahinta, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa noo xaqiiniyey xubnaha guddiga qaarkood in ay soo jeediyiin arrinkaan, iyagoo cuskanaya muddada kooban ee ka dhimman cimriga xileed ee hay’adaha dawladda iyo hoggaankooda, iyo marxaladaha saamaynta leh ee xilligaan ka jira oo midda gobolka Sool ugu culustahay.

Soo ifbaxa arrin muddo kororsi oo mudanayaal baarlamaan ku turaabeen xilligaan, kuna dareen dooddooda fadhi guddiyeed ma ahan mid sal fudud oo sahalo iyo soo jeedin xubnno guddi oo qura loo qaadan karo marka lagu cabbiro xilliga gabaabsiga ah iyo waddada dawladdu ku socotay ee xagga doorashada oo muddo u ekayd mid daah saaranyahay oo aan caddayn.

Tan iyo markii madaxweyne Deni uu ku soo hungoobay hanashada hoggaanka madaxweynimo ee Soomaaliya iyo ka horba waxay ahayd hadal hayn jirta madaxweynuhu in uu doonayo muddo kororsi, taasoo ka soo butaacaysay mucaarad, madax siyaasadeed oo miisaan weyn ku leh Puntland iyo qaar ka mid ah ururradii siyaasadda ee xisbinimada loo meelmariyey intaba.

Xukuumadda hadda jirta ee Puntland iyo hoggaankeedu, kuma dheg-xuma xilligaan bulshada dhaxdeeda marka loo fiiriyo dadaalkooda tayeynta hay’adaha maamulka, maaliyadda, amniga iyo ciidamada, difaaca, dimuqraadiyadda iyo arrinka dhismaha kaabayaasha oo mudda waddooyinku ugu horreeyaan, waana mid ay sarrifan karto xukuumad ahaan, kuna geli karto doorasho xilligeedii ku dhacda.

Haddiise taasi dhici waydo, xukuumaddana Deni na damac ka galo muddo kororsi ay xafiiska ku sii joogto, sidaan horay u soo aragnay waxay dhaxalsiin kartaa cawaaqib liidasho oo ay ku waayi karto waanaag kasta oo u dhignaa, wiiqan xagga siyaasadda ah, lumin taageerada bulshada ah, iyo xasarad siyaasadeed oo Puntland ka curata, taasoo dhaawici karta amniga, hormarka, dhaqaalaha iyo midnimada ummadeed intaba.

Waayo aragnimada la xaqiiqsaday ee dadka reer Puntland iyo dawladooduba ay horay u soo arkeen waa dhibaatada laga dhexlo muddo korarsi, taasoo ay uga dhinteen boqolaal qof, boqolaal kalana u naafoobeen, sidoo kalana u dhaawacantay midnimadii iyo jiritaankii dawladnimada Puntland oo gaaray meel halis ah, rabbina caynshay iyadoo joogta qabri daankiisa, suuragalna ma ahan 20 sano kadib in reer Puntland ay tijaabiyaan ama ku fakaraan mawduuc muddo kororsi.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: