HomeUncategorized

Mudane Xassan ?Deeqaha caalamka Gobol gaar ah iyo degmo gaar ah laguma naas nuujin doono?

Muqdisho, July 25, 2013 - Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed si siman wax u heli doonaan, marka la helo deeqaha.

Boqolaal Somali ah, oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan dawlada Somaliya oo lagu xiray Kenya.
DHAGEYSO: Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland oo kahadashay Arrimaha Imtixaanadka Shahaadiga ah
Kooxda Al-shabaab oo sheegay in aysan baxsan ragii weeraray dhismaha westgate ee Nairobi

Muqdisho, July 25, 2013 – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed si siman wax u heli doonaan, marka la helo deeqaha caalamiga ah ee dalka la soo gaarsiinayo.

Wuxuu beeniyey in ay dhici doonto in deeqaha caalamiga ah ee dalka ay noqon doonaan kuwo si khaas ah loogu maal-geliyo gobol ama degmo gaar ah, wuxuu taas bedelkeeda sheegay in la qorsheyn doono dhaqaalaha dalka soo gala.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si gaar ah carabka ugu adkeeyey Puntland iyo Soomaaliland, isagoo ku baaqay in la ogaado in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay xaq u leeyihiin wixii horumar iyo taageero ah ee la helo.

Xasan sheikh ayaa yiri ??shacabka Soomaaliyeed ?ha ogaadeen taageerada caalamka in uusan ?laheyn gobol gaar ah iyo qolo gaar ah,? Soomaaliya oo dhan ayaa leh cid walboo Soomaaliya joogta baahideeda gaarka ah wey ka muuqaneysa??.

Madaxweynaha wuxuu dadka Soomaalida ah ka dalbaday in ay u soo gudbistaan baahidooda adeegyada bulshada iyo tan dhaqaale intaba, wuxuuna hadalkaan jeediyey madaxweynuhu xili haatan diyaar garow loogu jiro shirka dhaqaalaha lagu siinayo Soomaaliya ee ka dhacay Beljium.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: