Maxkamad Kutaal Canada oo Xukun ku riday Wil Somaali ah

HomeWararka

Maxkamad Kutaal Canada oo Xukun ku riday Wil Somaali ah

Maxkamad ku taalla dalka Canada waxay shalay Xukun ku riday Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo loo haystay doorkii uu ka qaa

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Galdogob (dhegayso)

Maxkamad ku taalla dalka Canada waxay shalay Xukun ku riday Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo loo haystay doorkii uu ka qaatay Saxafiyad u dhalatay dalkaasi oo duleedka Muqdisho lagu afduubtay muddo haatan laga joogo 10-sanno.

Garsoore Robert Smith oo ka tirsan Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee OTTAWA waxa uu ku dhawaaqay in Eedeysanaha lagu xukumay Xabsi 15-sanno ah iyo inuu Xukunkaasi farriin u tahay dadka kale ee Ganacsiga ka dhigta falalka Afduubka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cali Cumar Adeer oo 40-jir ayaa la sheegay inuusan wax hadal hadal-celin jeedin, kadib, markii lagu dhawaaqay Xukunkiisa.

Xukunkaasi ayaa yimid, 10-sanno kadib, markii ay dabley hubeysan duleedka Muqdisho ku afduubteen Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo Sawir-qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nigel Brennan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: