Maxamuud Sayid Aadan: “ Rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa”

HomeWararka

Maxamuud Sayid Aadan: “ Rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa”

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan xaalada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan

GAALKACYO: Sawirka Maanta
Hanti dhowraha Qaranka oo joojiyay heshiisyada ay galayaan Hay’adaha Dowladda
Maxamed Cawil ayaa ku guulaystay Guddoomiyaha Xallinta Khilaafaadka, Kaddib Xilkaqaadistii RW Rooble

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan xaalada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan tan Jubbaland.

Maxamuud Sayid oo ku sugan meel ku dhow Beledxaawo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qalqal gelin amni iyo buburin hey’adihii soo kobcayay ay ka wado Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in dowladdu burburineyso hey’addihii Federaalka ku dhisnaa, isagoo farriin u diray dhammaan xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

“Beesha Caalamka waa in aad fiirisaan waxa ka socda Soomaaliya, qarankii oo is burburinaya bal arka Ciidamada Soomaali la isku dilayo bal arka, hey’adihii soo kobcayay oo la burburinayo, waa in aad dib u eegtaan xaalada socota, rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa, waa in aadan gacan siin”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay digniino is-daba joog ka soo saarayay xaalada Gobolka Gedo, oo ay dowladda Federaalka geysay ciidamo fara badan, waxaana ka jirta cabsi dagaal degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan dowladda Federaalka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: