HomeWararka

MAXAA TODOBAADKAN LOOGA HADLEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND (SAWIRO)

Garoowe: 17 February 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Gol

Saaka & Dunida iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Golaha Ammaanka oo ka shiraya khilaafka madaxda Soomaaliya
Rabshado kadhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer
Garoowe: 17 February 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco), Ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta.
Kulanka ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda oo Golaha la wadaagay sida wanaagsan ay u socdaan adeegyada loo hayo Bulshada.
Golaha ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland, Waxaana Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020. Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.
Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay, taasi oo ah tallaabo taariikhi ah oo ay qaaday Dowladda Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: