Maxaa Sababay dhimashada Madaxweynihii hore ee dalka Chad?

HomeWararka

Maxaa Sababay dhimashada Madaxweynihii hore ee dalka Chad?

Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayey in ka badan 30 sano ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Midowga Yurub oo Soomaliya usoo magacaabay Ergey cusub
Waraysi Guddoomiye Welkam: Marxaladihii u Qareemidda Wariye Cumar Dheere (dhegayso)
Wasaarada Cafimaadka oo shacabka ugu baaqday inay aadan xarumaha Cafimaadka haday isku arkaan Calamahada Covid-19

Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayey in ka badan 30 sano ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaaray isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas sheegay ciidamada.

Deby, “ayaa hadda neefsaday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka, isaga oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka,” waxaa sidaas war-saxaafadeed laga aqriyey taleefishinka dowladda ku yiri afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay jiidda waqooyi ee Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika. Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: