Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Puntland?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland

Warka Caweysin iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, Daljir Garoowe (daawo)
WARKA FIIDNIMO | CABDINASIR JEKEY | DALJIR GAALKACYO
TALOKEEN: Talooyin ku saabsan Amniga (dhegayso)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo maanta looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo mobile Furashada.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo oo meel wanaagsan maraya iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada oo ka mid ah guulaha la mahdiyey ee Dowladdu gaartay, Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha deegaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada dowliga ah ee socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: