Maxaa looga hadlay kulankii Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ?

Maxaa looga hadlay kulankii Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar-Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaz.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay si wadidda Mashaariicda Horumarineed ee Dowladda Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaaladda ayaa ka mahadceliyey Kaalinta horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaalya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyada amniga, Tababarada Ciidamada iyo horumarinta dhaqaalaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0