HomeUncategorized

Marxuun wariye Tuur oo maantay lagu aasay duleedka magaalada Moqdisho.

Moqdisho, Oct, 29 - Allaha u naxariistee waxaa maantay qabuuraha Jaziira ee duleedka Moqdisho lagu aasay wariye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) oo xalay fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

DHEGEYSO-Puntland oo fariin kulul u dirtay maamulka Soomaaliland.
Kayse C. Yusuf, Gudd. gobolka Cayn oo aan ka waraysanay dhaqdhaqaaq ciidan oo Somaliland ay ka wado Buuhoodle. Dhegaysi …
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Isniin_01

Moqdisho, Oct, 29 -? Allaha u naxariistee waxaa maantay qabuuraha Jaziira ee duleedka Moqdisho lagu aasay wariye Maxamed Maxamuud (Tuuryare) oo xalay fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Tuuryare oo 23 jir ahaa ayaa u dhintay dhaawac toddobaadkii hore loogu gaystay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir.

Aaska weriyaha waxaa ka qeyb galay weriyeyaal ka howlgala Muqdisho iyo dadweyne fara badan, kuwaasoo wejiyadooda laga dheehan karay murugo badan.

Marxuumka wuxuu u shaqeyn jiray idaacadda maxalliga ah ee Shabeelle, taasoo horey looga dilay dhowr suxufiyiin oo kale.

Dhimashada weriye Tuuryare ayaa tirada weriyeyaasha ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo billowgii sanadkan ka dhigeysa 17.

Labo nin oo bastoolado ku hubaysnaa ayaa 21-kii bishan ku weeraray marxuumka agagaarka gurigiisa xilli uu ka soo laabtay farmashi uu daawo ka soo iibsaday.

Dableyda waxay saddex xabbadood weriyaha kaga dhufatay xabadka iyo caloosha, waxaana isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaalka Madiina oo xaaladdiisa caafimaad lagu tacaalayay tan iyo maalinkaas.

Haddaba si aan xog-dheeraad ah uga helno marxuun Tuuryare ayaa taariikhdiisa oo kooban iyo sida uu u dhacay aas-kiisu waxaan ka waraysanay wariye C/risaaq Aadan (Qoslaaye) ayaa arrimahaasi uga waramay Radio Daljir.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: