Mareykanka oo taageertay Shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble ku baaqay

HomeWararka

Mareykanka oo taageertay Shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble ku baaqay

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war ay soo saartay ku taageertay Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhawaan ku baaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaa

Wasiiru Dawlaha Wasaaaradda Waxbarashada Puntland “Waxaan saxiixnay xeerkii ilaalinta Afka Soomaaliga (daawo)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Maxay ku waa bariisatay saaka Gaalkacyo? (Sawirro)

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war ay soo saartay ku taageertay Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhawaan ku baaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana looga hadlaayo sixitaanka doorashada.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay sii wadi doontaa taageerada ay siinayso doorashada Soomaaliya ee uu hormuud ka yahay Raiisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa kaloo ay sheegtay Safaaradda in ay muhiim tahay in dhammaan Madaxda maamul goboleedyada ay yimadaan Muqdisho si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan sii wadeynaa in aan taageerno baaqii ku saabsanaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu qabto Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee madashan la aasaasay ayaa muhiim u ah dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay”ayaa lagu yiri warka Safaaradda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: