Mareykanka oo meel mariyay tallaalkii labaad oo looga hor tagayo COVID-19

HomeWararka

Mareykanka oo meel mariyay tallaalkii labaad oo looga hor tagayo COVID-19

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay tallaalkii labaad oo ay soo saartay shirkadda Moderna, taas oo keeni doonta in cudurka COVID-19 laga tallaalo malaa

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 14aad
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, “Ma Jirto Xiisad Gobolkaan Ka Jidha” (DHEGAYSO)

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay tallaalkii labaad oo ay soo saartay shirkadda Moderna, taas oo keeni doonta in cudurka COVID-19 laga tallaalo malaayiin Amerikaan ah.

Hey’adda cunada iyo dawada Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa todobaadkii hore meel marisay tallaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech kaas oo dadka lagu bilaabay in la siiyo.

Mareykanka wuxuu iibsan doonaa labo milyan oo kuuro oo tallaalka shirkadda Moderna ah in ka badan lix milyan oo ruux ayaa lagu mudi doonaa tallaalkan.

In ka badan 313,500 oo qof ayaa Mareykanka ugu geeriyootay xanuunka Corona halka ku dhowaad 17.5 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka.

Tallaalkan cusub oo ay soo saartay shirkadda Moderna isla markaana noqoneya kii labaad oo Mareykanku ogolaado ayaa la siin doonaa dadka da’dooda ka weyn tahay 18 sano jir.

Dadka ugu badan ee ka faa’idi doona ayaa ah kuwa miyiga ku nool maadaama uusan u baahneyn tallaalkan heer kul badan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: