Mareykanka oo jartay dhaqaalihii uu ku bixin jiray kaalmada Falastiiniyiinta

HomeWararka

Mareykanka oo jartay dhaqaalihii uu ku bixin jiray kaalmada Falastiiniyiinta

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay kaalmadii uu siin jiray hay'adda QM UNRW ee gargaarka uu usoo marsiin jiray dadka reer Falastiin. Dowlad

Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kala hadlay mas’uuliyiinta Jarmalka sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada farsamada gacanta iyo machadka Sidam
Boosaaso: Ciidamada amniga oo fashiliyay qarax ay soo maleegeen Argagixisada Al-shabaab (daawo)
Guuddoomiye Muudey oo shacabka Soomaaliyeed udiray Hambalyada Ciida (daawo)

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay kaalmadii uu siin jiray hay’adda QM UNRW ee gargaarka uu usoo marsiin jiray dadka reer Falastiin.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay go’aankan qaadatay kadib dib u eegis ay samaysay, sida ay sheegtay haweeney afhayeen ah oo u hadlay Mareykanka.

Afhayeenka madaxwayne Maxamuud Cabdaas ayaa ku tilmaamay tilaabada Mareykanka mid duulaan ku ah shacabka dalkiisa, waxaana uu sheegay ciqaabka noocan oo kalle ah inuu guulaysan doonin Mareykankana uu muujiyay sida uu dhexdhexaad uga ahayn doorkiisa xal u helidda Falastniyiinta ee gobolka Bari dhexe.

UNRW ayaa la’aasay sanadkii 1948dii dagaalkii carabta iyo Israaiil, waxaana maamulaysay qarashka ku baxaya boqolaal kun oo Falastiinyiin ah oo isugu jira dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo cuntada, dalalka ugu waawayn ee taageera mashruuca hay’addan ayaa kala ah Midowga Yurub, Sacuudi Carabiya, Jarmalka,Mareykanka iyo UK.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: