Maraykanka oo ka hor tagaya Iskaashiga Shiinaha iyo Sucuudiga

Maraykanka oo ka hor tagaya Iskaashiga Shiinaha iyo Sucuudiga

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamd Bin Salmaan, ayaa qasriga madaxtooyada Boqotooyada Sucuudiga kula kulmay Joe biden, “Maaxweynaha Marayka oo shalay gaarey Risaad.

Kulanka labada masuul oo aan dalalkoodu xiriir wanaagsan lahayn ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arimaha bariga dhexe oo ay Iran, ugu horayso Sucuudiga ayaa Mamaulka Biden, kula dagaalsan siyaaadiisa gobolka xasaradaha badann ee bariga dhexe.

Biden, markii uu xafiiska yimid sanadkii hore wuxuu hoos u dhigay xiriirka Sucuudiga iyo Maraykanka taas oo ka caraysiisay xukuumada Risaad oo lafteedu qaaday tilaabooyin dhowr ah oo dhanka Shiinaha iyo Ruushka ay ugu dhawaanayso .

Maraykanka ayaan mar qura ka war helay in Shiinuhu, in uu Suudiga ka caawinayo warshad tamarta soo saarto iyo in Shiinuhu doonayo in lacagtiisa ay Shidaalka kaga iibsadan taas oo Maraykanku u arkay khatar weyn oo aan laga aamusi karin.

Mamulka biden, ayaa sameeyey tilaabo ay Risaad, si weyn uga carootay taas oo ahayd inuu Maraykanku Saldhigiisa weyn ee Sucuudiga, ka rartay habka difaaca hawada ee Iron Dome, oo Mamaulkii Donald Trump, gaarsiiyey Sucuudiga si loo yareeyo khatarta Suucdiga kaga imaan karta Iran.

Diiwanka wararka
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0