Maraykanka oo duqeyn labaad ka geystey deegaan ka tirsan Janaale

Maraykanka oo duqeyn labaad ka geystey deegaan ka tirsan Janaale

Taliska Howlgalada ciidamada Maraykanka AFRICOM ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo ay ka geysteen deegaan hoos taga Janaale ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan oo ay geysteen maalintii labaad deegaanka Janaale ay ku dileen illaa shan ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in fulinta howlgalkaan ay gacan ka siisay DFS, isla markaana labada dhinac ay xaqiijiyeen in aysan waxyeelo gaarin dadka shacabka ee ku sugan Janaale oo ah goobta la duqeeyay.

Duqeyntan ugu dambeysay ayaa noqoneysa tii 26aad ee ay Taliska Mareykanka ee AFRICOM uu ka fuliyo koonfurta Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkan bilaawga ah ee 2020-ka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0