Maraykanka oo diiday in la baaro dambiyada ay ciidamadiisu ka galeen Afganistan

HomeWararka

Maraykanka oo diiday in la baaro dambiyada ay ciidamadiisu ka galeen Afganistan

Dowlada Maraykanka ayaa fiisihii ama dalkugalkii u diiday dacwad oogaha maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC, Fatou Bensouda. Wararka ayaa waxa

Kalfadhigii 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiray (Akhriso)
Inta Badan Xarumaha Ganacsiga Garoowe oo Maanta Xirnaa (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)

Dowlada Maraykanka ayaa fiisihii ama dalkugalkii u diiday dacwad oogaha maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC, Fatou Bensouda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Fatou Bensouda ay baareysay eedeymo ah in ciidammada Mareykanka iyo xulufadooda ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Afqanistaan.

Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay wuxa uu ka digay suurtagalnimada ah in uu u diidi doono ama uu kala noqon doono dal ku galka Mareykanka garsoore kasta oo ka tirsan maxkamadda ICC oo lala xiriirinayo baaritaanada.

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda dambiyada caalamiga Fatou Bensouda ayaa ku adkeysatay inay sii wadi doonto shaqadeeda iyadoo aysan wax cabsi ah ku jirin ama wax eexasho ah.

Mareykanka oo aan xubin ka ahayn dalalka ka tirsan ICC ayaa ka xumaaday baaritanno ay maxkamadda ku sameyneysay eedeymo ah in ciidammadiisa ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Afqanistaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: