Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab iyo xoogag taageersan Abuu Mansuur oo dagaal uu ka dhex qarxay

HomeWararka

Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab iyo xoogag taageersan Abuu Mansuur oo dagaal uu ka dhex qarxay

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taageersan Al-shabaab iyo afhayeenkoodii hore Abuu Mansuur oo wada hadal kula jirta dowladda Soomaaliya a

MARTISOOR: Maxaa ka jira in Dowladdo ay gacan ka gaysteen dhismihii Puntland | Q-1aad
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Boosaaso (dhegayso)
FIFA oo Soomaaliya Kubadda Cagta Ka Joojisey Muddo 7aad ah (Sababta)

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taageersan Al-shabaab iyo afhayeenkoodii hore Abuu Mansuur oo wada hadal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay gobolka Bakool.

Dagaal oo xoogiisa dhacay maalinimadii shalay waxaa ku geeriyooday toban qof, deegaanka ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Abuu Mansuur walow Al-shabaab ay horay u joogeen meel aan sidaa uga fogeen.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay dagaalka inay ku dileen wiil uu dhalay Mukhtaar Rooboow iyo sarkaalkii ciidamada watay.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan si fahfaahsan uga hadlin dagaalka ayaa dhanka kalle qiray inuu jiro xiisadda labada dhinac.

Abuu Mansuur ayaa laba bil kahor kasoo baxsaday ururka Al-shabaab, waxaana uu sheegay inuu wadahadal kula jiro dowladda faderaalka ee Soomaaliya, hadana isagoo aan xil hayn ayuu waxaa uu si joogta ah uu u booqdaa fariismaha ciidamada kale duwan ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: