Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka warbixiyay xaaladdiisa Caafimaad

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka warbixiyay xaaladdiisa Caafimaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan

GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI OO KA TACSIYEEYEY NABADOONADII KU DHINTAY QARIXII SHALAY EE BOOSAASO
Shirka Golaha wada tashiga doorashooyinka oo galay maalinkii seddexaad
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Somaaliya oo Booqatay dhawaacyadii Qarixii Zoobe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uun uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: