Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray dalka Masar

Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-siisi.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu dadaal xoogan ku bixinayay sidii uu uga hortegi lahaa dhaqangalka heshiiskii Badda ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0