Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan dalka Uganda

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta dalka uga ambabaxaya safarkii Sideedaad tan iyo markii la

Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Quenching French anti-Muslim fervor with reciprocal legislation
Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta dalka uga ambabaxaya safarkii Sideedaad tan iyo markii la doortay, isaga oo ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Kampala kula kulmi doona Madaxda dalka Uganda, isaga oo sidoo kale ka qeyb geli doona Shir looga hadlayo iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo ka dhageysan doona warbixino ku saabsan xaaladooda & hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan galay safaro badan, isaga oo tegay dalalka, Imaaraadka, Turkiga, Tanzania, Kenya, Jabuuti, Ereteriya iyo Masar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: