Madaxweyne Muuse Bixi oo Maxaabis cafis u fidiyeey

HomeWararka

Madaxweyne Muuse Bixi oo Maxaabis cafis u fidiyeey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-il

Isku Aadka Iskuulada ka qaybgelaya Barnaamijka Tartan iyo Tacliin (Sawirro)
Turkiga oo Maraykanka ka dalbaday Diyaarado dagaal oo ah nooca loo yaqaan F-16
Kenya oo ku eedeysay Dowlada Soomaaliya inay ku soo xadgudubtay (Daawo)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xiran yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus.

Warbaahinta Somaliland ayaa ku warantay in Madaxweynaha uu go’aan ku qaatay in laga hortaggo Coronovirus.

Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah.

Ciidanka Asluubtu ayaa khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0