Madaxweyne Mustafe Cagjar: ” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab”

HomeWararka

Madaxweyne Mustafe Cagjar: ” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab”

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ku yaalla ayaa sheegay in 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalladii ugu

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal & Taliyaasha Saldhigyada Garowe oo Amaanka Garowe ka hadlay (dhegayso+Sawiro)
DFS oo si daysay afar dhalinyaro ah oo loga wayaay Cudurka Caronavirus
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ku yaalla ayaa sheegay in 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalladii ugu dambeeyay kaddib weerarro dhif ah oo ay kooxdu ku qaadeen xaafadaha ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta sheegay in qiyaastii boqol kale la soo qabtay. Hadalkiisan looma xaqiijin karo si madax bannaan.

Weerarradii horraantii July dhacay, ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegteen inay dileen dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowlad Deegaanka. Maamulka gobolka ayaa bilaabay howlgallo ay isla sameynayeen ciidamada federaalka.

Itoobiya ayaa hore u sheegtay in saddex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay gacan ka geysteen duqeymaha cirka, taas oo ay kooxdu beenisay.

Mustafa ayaa hore golaha gobolka ugu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay sameyso aag ka tirsan Soomaaliya oo la isaga caabbiyo weerarrada noocan oo kale ah.

Hadalkan uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay inay socdaan dadaallada lagu hubinayoin kooxdu “aysan marnaba ku dhiirran inay usoo dhowaato xadka”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: