Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Wafdi ka socda QM

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Wafdi ka socda QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa looga hadlay sidii looga hor istaagi lahaa Askareynta Carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.

Virginia Gamba, oo Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa bogaadisay dedaallada Dowladd Goboleedka kgs ee ku aaddan dib-u-habeynta Ciidanka oo qeyb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda Carruuta.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen , ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in Dowladdu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto Dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tallaabooyinka loo qaaday xasilinta Dalka, arrinaas oo horseedeysa in Carruunta iyo dhammaan Bulshadu ay helaan nabad waarta.

Kulanka oo ay Goobjooga ahaayeen Xubno Ka tirsan Golaha Wasiirada DGKS Taliyaha Ciidanka Booliska G baay Saraakiil kasocotay Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60aad iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Amniga

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0