Madaxweyne Laftagareen  oo gaaray Kismaayo

HomeWararka

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaanyo ee Ca

Degmada Xumbeys ee gobolka Karkaar oo Roobsatay (daawo)
DFS oo Jubbaland ku wareejisay agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka
Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaanyo ee Caasimada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Xubnaha labada golle iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Kismaanyo ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen kuso dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdule ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: