MADAXWEYNE KUXIGENKA 1AAD EE JUBBALAND “Waxaan qiimeyn ku sameyn doonaan ammaanka  magaalada Muqdisho” (Akhriso)

HomeWararka

MADAXWEYNE KUXIGENKA 1AAD EE JUBBALAND “Waxaan qiimeyn ku sameyn doonaan ammaanka magaalada Muqdisho” (Akhriso)

Dowladd goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada amni ee magaalad Muqdisho oo lagu wado in uu ka dhaco Shirka Madaxda

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Koonfur Galbee: Saddax kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ayaa la shaaciyay in Doorashadooda la qaban doono
Howlgal amaanka lagu xaqiijinayo oo laga dareemayo Baladweyne

Dowladd goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada amni ee magaalad Muqdisho oo lagu wado in uu ka dhaco Shirka Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

“Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho & ka qaybgalka Shirka, Ciidamadii & Siyaasadiinta haddiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Diiwaanka wararka Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Weexaax 3 years ago

    War ninkani sow asagii lahaa garoowe yaan shirka lagu qabane xamar halagu qabto.
    Dadkani ma miyir qabaan mise waa mirqaansanyihiin

DISQUS: