HomeUncategorized

Madaxweyne Faroole oo la Kulmay Ganacsato Reer Puntland ah iyo Xildhibaano ka yimid Muqdisho.

Caption ...

Dowladda Qadar oo iska Fogaysay Eedaymo loo soo Jeediyay
Golaha Wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya oo kulan ka yeeshay qaraxii Golaha Murtida shalay kadhacay, heshiisyadii Gaalkacyo,dowladda Germany iyo Dowladda KMG
DHEGEYSO-Dadkii ka cararay Qandala oo gurmad lagaarsiiyey.

WAR SAXAAFADEED
20 September 2011

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda Puntland qaar ka mid ah Ganacsatada dhoofka xoolaha iyo gadiidka badda, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu qaabilay Wafdi Xildhibaano DFKMG ah oo soo gaaray Puntland.

Ilaa 20-xubnood oo ganacsato ah ayaa la kulmay Madaxda Dowladda Puntland waxaana Madaxweyne Farole ku wehliyey shirarkaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo wasiir-ku-xigeeno.

Md. Maxamud Xayir Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland ayaa cadeeyey inay jiraan khataro cusub oo ay sababeen burcad-badeeda Somalida, wuxuuna sheegay in burcad-badeedu ay afduubteen maraakiib iyo doonyo u rarnaa ama kasoo baxay Dekedda caalamiga ah ee Bossaso.

Ganacsatada Reer Puntland ayaa walaac ka muujiyay farsamadaan cusub oo ay burcad-badeedu isticmaalayaan, waxayna Ganacsatadu ugu baaqeen Dowladda Puntland inay talaabo adag ka qaado weerartana burcad-badeeda. Waxyaabaha la isla qaatay waxaa ka mid ahaa doorka Dowladda iyo doorka Ganacsatada ay ka cayaarikaraan la dagaalanka burcad-badeeda, sida wacyi-gelinta bulshada, howlgalo dhanka amniga, iyo in la abuuro waxyaalo lagu hormariyo arrimaha bulshada.

Shirkii Xildhibaanada DFKMG ah

Madaxwayne Farole oo la kulmay Xildhibaano gaaraya 10-xubnood oo booqasho howleed ku soo gaaray deegaamada Puntland, ujeedka socodaalkooduna uu kamid ahaa xiriirka Puntland iyo DFKMG ah iyo arrimo la xiriira amniga Degmada Galkacyo. Xildhibaanada waxaa ka mid ahaa: MP Mohamed Abdi Yusuf; MP Barre Ugas; MP Hassan Abshir Farah; MP Ali Ismail Abdi Giir; iyo MP Abdirashid Irro.

Xildhibaandan ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland uga warbixiyay ujeedka socdaalkoodu iyo qorshaha ku biirida wadahadalada ka socda Gaalkacyo. Horaantii bishan ayaa ciidamada amniga ee Dowladda Puntland waxay qaadeen howlgalo ka dhan ah kooxaha argagaixisada ah ee Al Shabaab, iyadoo howlgalada socday muddo 2-maalmood ah lagu dilay in ka badan 60-xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab lana soo xirxiray 22-kale.

Xildhibaanada DFKMG ah ayaa kala hadlay madaxda Puntland doorka ugu macquulsan oo ay ka cayaari karaan wada hadalka socda oo ahmiyadiisu tahay in la go?doomiyo argagaxisada si looga dhexsaaro bulshada. Madaxwaynaha ayaa intaas dabadeed u sameeyay casho sharaf Xildhibaanadii booqashaada ku yimid.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: