Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay Abaartu saameysay” (daawo)

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay Abaartu saameysay” (daawo)

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka damqanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, dhiirri gelinayana in la garab istaago

Barakacayaasha Garowe iyo baahida ay u qabaan Talaalka Covid-19 (daawo)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Burtinle oo Maalintii Labaad Ciid looga Dareeray (dhegayso)

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka damqanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, dhiirri gelinayana in la garab istaago Walaalaha tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha ka taagan Dalka;

Waxa uu Madaxweynaha ugu deeqay Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, iyada oo aan ku dhiirri-gelinayno Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo kuwa gaarka ahba in ay door ka qaataan howlaha gurmadka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.”

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: