Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf u sameyeey Madaxweynaha koonfur galbeed (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf u sameyeey Madaxweynaha koonfur galbeed (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya qado sharaf ugu sameeyay Mada

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed Tallman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Barnaamij Gaar ah Takuleynta Masjidka Al-Nuur Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdi la socday.

Kulanka qado sharafta kadib ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabducasiis Lafta Gareen oo howlo shaqo Muqdisho u tagay.

Madaxtooyada ayaan wali faah faahin ka bixin kulanka dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha K/Galbeed, waxaana kulankan kusoo aadayaa xili Madaxweyne Farmaajo n Madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shir ka dhacaya Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday Madaxda ayaa muujinaya in kulan uu dhexmaray,hayeeshee lama shaaciyay qodobada looga hadlay kulankaas.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi oo Wasiir ka ahaa Xukuumada Federaalka gacan ka siisay in Madaxweyne noqdo Madaxtooyada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: