Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeyeey dambiyo dagaal

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeyeey dambiyo dagaal

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday in looga yeeri doono teendhadii lagu doortay Afar sano ka hor ka dib markii ku fashilmay qabashda doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Waxaa uu sheegay xildhi baanka iyadoo dalka uu marayo meeshii ugu xumeyd ayaa tagi doona Farmaajo kulan uusan la hayen taladiisa oo beesha Caalamka ay soo diyaarisay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay sidoo kale in maanta Farmaajo uu ku eedeysan yahay dambi dagaal .

“Farmaajo 4 sano kadib: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn”ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Eng miski Mohamed 3 years ago

    Waa Arin Aad U wngsn Farmaajo Qalasaad Buu Ka Wadaa Wadanka Soomaliya

  • Ahmad 3 years ago

    Radi daljir waxaa tihiin war baahin la ixtiraamo marka hasoo qaadina hadalada ma had salaad oo ka mida haraadigii moryaaantii wadanka inuu dago u diidaday

  • Mohamud faisal abdi 3 years ago

    Aad ayaan ugaxumahay taangiyadaa lagu garaacay xerada xalane ee muqdisho