Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Ruushka

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Ruushka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagucasuumay Shir kadhacaya magalada loo dalxiis tago ee Sochi kuna taalla dalka Raashiya isla

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Jalalaqsi
Guddoomiyaha gobalka Gardafuu oo dhaliilay Hay’addaha Samafalka (Daawo)
Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka DFS

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagucasuumay Shir kadhacaya magalada loo dalxiis tago ee Sochi kuna taalla dalka Raashiya isla markaana kaabiga ku haysa badda madow.

Wefdi uu hogaaminayo Maxaweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa Isbuuca soo socda in ay safar ku tagaan magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Sochi si ay uga qeyb galaan Shirka koowaad ee ay yeelanayaan Madaxweynaha Raashiya iyo madaxda Africa.

Hogaamiyaasha lagu casuumay Shirka wax aka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,Madaxweynaha Kenya Uhuuru Keenyaatta,Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-siisii iyo ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Shirkaana ayaana socon doona muddo laba cisha ah.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 23-ka bishaan Octoobar iyada oo kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hogaamiyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu casuumay in ka badan 50 hogaamiyaal Afrikaan ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: