Madaxweyne Farmaajo oo Khartuum Kula Kulmay Madaxweynaha Sudaan

Madaxweyne Farmaajo oo Khartuum Kula Kulmay Madaxweynaha Sudaan

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com