Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xerada Ciidanka DPL ee 54-AAD Garoowe (Daawo)

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xerada Ciidanka DPL ee 54-AAD Garoowe (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada

MUQDISHO: Qiimaha kaluunka oo sare u kacay (Daawo)
Muqdisho waxaa laga shiray Mustaqbalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya
Markab gargaar sidda uu dhawaan ku xiran doono Dekadda Garacad | Waraysi Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu aas aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Dowladda Puntland.

Madxaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in dowladdu ahmiyad gaara siindoonto dhismaha ciidanka”

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: