Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Shirka Maalgashiga.

HomeWararka

Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Shirka Maalgashiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntl

Dagaal gaystay khasaare oo kadhacay deegaanka Daacdheer ee Galgaduud
Canab Cali Maxamuud:” Xukuumadda hadda jirta ee Puntland ayaa dadkaan tustay doorasho qof iyo cod ah
Shir ku saabsan u doodista qoondada haweenka Puntland ee dhinackasta oo Garoowe lagu qabtay (daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga.

Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda, iyagoo soodhoweeyey magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshadu.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17ka, September, 2019.

Madaxweyne Deni ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan Shaqada u qabsoontay iyo sida ay u socoto diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirka Maalgashiga Puntland oo uu dhowaan si rasmi ah u shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waa shir lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: